
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Haween oo hoostaga gobolka Baay.
Howlgalkaan ayaa lala beegsaday koox maleeshiyaad ah oo ka tirsanaa Khawaarijta argagixisada ah ee Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Haween iyadoo ay ka war heel ciidanka xoogga dalka.
Intii uu socday howlgalka ayaa lagu dilay inka ka badan ilaa 7-maleeshiyaad ah waxaana sidoo kale halkaasii lagu gubay ilaa 5- ka mid ah gaadiid ay isticmaalayeen oo nuucoodu ahaa mootoyinka loo yaqaan Feekonka oo ay wateen.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







