In ka badan dhimasho 50-ah oo la gaarsiiyay cadowga khawaarij ah howlgaladii ugu danbeeyay ee ka socda Jubbada hoose.

263

Wasiirka kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in maalintii 4aad howlgal qorsheysan oo ay iska kaashanayaan Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland uu ka socda Gobolka Jubbada Hoose.

Mudane Abdirahman Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in howlgalladaas lagu khaarajiyay in ka badan 50 ka tirsan Khawaarijta, iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay 20 kale oo dhagarqabeyaal ah, kuwaas oo dhibaato ku hayay dadka deegaannadaas ku dhaqan.

“Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Jubaland waxa ay Maalintii Afaraad oo xiriir ah Hawdka ku baacsanayaan Khawaarijta, 50 ka badan waa la dilay, 20 kale nolosha ayaa lagu qabtay, Dhul badanna waa laga sifeeyay, alle ayaa mahadsan” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.

Howlgalladan ayaa waxay ka socdaan tuulooyinka Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka, iyo deegaanno kale, iyadoo lagu dilay horjoogeyaal iyo maleeyshiyaad badan halka qaar kale nolosha lagu qabtay tan iyo Sabtidii la soo dhaafay, waana howlgal balaaran oo khawaarijta loogu galay godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa Geesiyaasha Jubbaland ayaa Howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka wada  Jubbaland,  kuwaas oo khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xooggan.