Xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug iyo Taliyaha Booliska Galmudug oo kormeeray xabsiyada iyo saldhigyada Ciidanka booliiska Galkacyo

601
Xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug Cabdicasiis Nuur Xuseen iyo Taliyaha Booliska Galmudug Khalif Cabdulle Maalin ayaa maanta kormeeray xabsiyada iyo saldhigyada Ciidanka booliiska Galkacyo
Xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug Cabdicasiis Nuur Xuseen iyo Taliyaha Booliska Galmudug Khalif Cabdulle Maalin oo safar shaqo ku joogay magalaada Gaalkacyo ayaa booqday Saldhigyada Gaalkacyo, iyagoo kormeerkooda ay ku wehliyeen maamulka Gobolka Mudug waxaana intii ay kormeerkooda ku guda jireen ay xaaladahooda wareysi kala yeesheen maxaabiista ku xiran saldhigyada ay booqdeen iyagoo dhanka kalana dar daaaran la xariira sii dar dargalinta Sugida Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada u jeediyay Ciidamadii ku sugnaa rugaha ay booqdeen
kormeerka.kadib ayaa Xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug Cabdicasiis Nuur Xuseen iyo Taliyaha Booliska Galmudug Khalif Cabdulle Maalin waxa ay kulan la qaateen masuuliyiinta maamulka iyo saraakiishii Ciidamada Amaanka
Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay gudoomiyaha Gobolka Mudug,Cabdinaasir Cabdulqaadir Cabdille Duqa Dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan sheekh Xasan Taliyaha Guud ee Ciidamada Daraawishta Galmudug, Jenaraal Maxamed Nuur Cali taliye xigeenka qaybta Booliiska gobolka Mudug Gaashaanle Maxamed Axmed Shire , taliye ku xigeenka ciidanka isku dhafka xasilinta Booliiska gobolka Mudug Kabtan Cabdifitaax Cali Faarax i isku duwaha wasaarada amniga gobollka Mudug Barre Abshir Guuleed iyo Taliyaha saldhiga Booliiska dagmada Galkacyo Kabtan Cali Xirsi.Sahal
Guud ahaan saraakiisha ayaa soo dhaweeyay taliyaha Booliska Galmudug waxayna u sheegeen in amniga guud ee gobolku yahay mid aad u sareeya shacabkuna ay la shaqeeyaan Ciidamada.
Xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug Cabdicasiis Nuur Xuseen iyo Taliyaha Booliska Galmudug Khalif Cabdulle Maalin ayaa intaas kadib ka warbixiyay ujeedka socdaalka ay ku yimaadeen Galkacyo iyagoo dhanka kalana ku bogaadiyay Ciidamada Amaanka qeybahooda kala duwan isku duubninada iyo wadashaqeynta lagu sugayo amaankan