
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ayaa saaka la wareegay Deegaano dhaca Koonfurta gobolka Mudug kadib markii ay isaga carareen Khawaarijta.
Sida warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka, deegaanada saaka lala wareegay waxaa ka mid ah Dhagaxdheer iyo Dahar-Cali xayloow oo dhamaan hoos yimaada gobolka Mudug.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay ciidamada qaranku ku xoreynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






