Madaxweyne Laftagareen oo daahfurey Qorsha Howleedka Deegaanka ee Haweenka Nabadda iyo Amniga Koonfur Galbeed

387

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa daahfurey Qorsha Howleedka Deegaanka ee Haweenka Nabadda iyo Amniga Koonfur Galbeed,

Munaasabada daahfurka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro, Agaasimiyaal iyo Marti Sharaf kale,

Qorsha Howleedkan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii kor loogu qaadi lahaa ka-qaybgalka haweenka ee go’aan gaarista iyo geeddi-socodka nabadda, horumarinta xuquuqda haweenka iyo xoojinta amniga,