Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka

281
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyay Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
Wafdiga Gudoomiyaha oo ay kamid yihiin Gudddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo xubnaha Guddiga joogtada ah ee Golaha ayaa soo dhaweyntooda waxaa qeyb ka ahaa gudoonka Baarlamaanka Jubaland, Wasiiro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Safarka Gudoomiyaha iyo xubnaha kale ayaa ah banbaxa guddiga Joogtada iyadoo Magaalada Kismaayo ay ka dhici doonaan kulamada Guddiga joogtada oo looga hadli doono dejinta jadwalka kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.