500 oo qoys oo ay Saameeyen fataahada wabiga Jubba,

456
In ka badan 500 oo qoys oo ka soo barakacay qaar kamid ah deegaannada Dowlad goboleedka Jubbaland, kadib markii ay biyo xawaare sare ku socda ay guryahoodii ugu soo galeen ayaa deeq raashin ah loogu qaybiyay deegaanka Lugloow ee duleedka magaalada Kismaayo,
Madasha deeqda lagu qaybinayay waxa ku sugnaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Jubbaland sidoo kalana ka tirsan Guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu dhawaan magacaabay Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam,
Guddoomiyaha Hay’adaha Qaxootiga iyo barakacayaasha Jubbaland, iyo xubno ka socday hay’adda Gift of the givers xafiiskeeda magaalada Kismaayo,