
Madaxweynaha Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ( laftagareen) oo hadda ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa ku wajahan degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Shalay waxaa degmada xudur gaaray wafdi horudhac u ah safarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee degmada xudur, iyada oo amniga guud ee degmadaasi siwyen loo adkeeyay.
Madaxweynaha Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa degmada Xudur waxaa uu u tegayaa dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo la kulmi doona Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bakool, Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







