Al-Shabaab oo Weerar Qaraxyo ku qaaday degaan & Khasaaraha ka dhashay

441

Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab ayaa saaka ka dhacay Deegaanka Burujeed ee udhaxeeya Guriceel iyo Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Al-Shabaab oo qaraxyo ku bilowday Weerarka ayaa kadib waxaa dhacan Dagaal culus kaasi oo sababay dhimashada badan waxaana dadka dhaawaca ah la sheegay in ay ku jiraan Saraakiil iyo Masuuliyin katirsan Maamulka Guriceel.

Ciidamada iskaashanaya ee Dowlada iyo kuwa Deegaanka ayaa markii danbe dib uqabsaday deegaanka Burujeed oo markii hore ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ay qabsadeen, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidanka Milateriga dowladda.

Gudoomiyaha Guriceel Faarax Cabdi Macalin oo sheegay inuu ku sugan yahay Burujeed ayaa BBC-da u sheegay in dagaal kii saaka lagu jabiyay dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, isla markaana ay ka cararreen maydad gaaraya sideed qof

Guddoomiyaha Guriceel ee Maamulka Galmudug oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu sheegay in dhankooda ay ka dhinteen 5 askari, todobo kalena ay ka dhaawacmeen, kuwaasi oo kamid ahaa ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda.