Maxkamadda Ciidanka Jubbaland Oo U Fariisatay Dhageysiga Garmaqalka Labaad ee Eedeysane Loo Heysto Dil

452
Maxkamadda Ciidanka Jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhageysiga garmaqalka labaad ee Eedeysane Maxamed Barkhadle Jaamac oo ku eedeysan dilka Marxuum Cabdullaahi Cumar Sheekh oo dhacay 17-dii bishii 10aad ee 2022-kii.
Dhageysiga gar-maqalka labaad ee Kiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Jubbaland G/sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Nuuradiin Maxamed Khaliif, Garsooreyaal, ehelada marxuumka iyo eedeysanaha iyo Abuukaate Aadan Mahad Ibraahim