Madaxweyne Maxamuud Sayid Aadan oo degmada Doolow kulan kula qaatay Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland

410
Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Dowladda Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta degmada Doolow kulan kula qaatay Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ka aragti duwanaa Dowladda Jubbaland.
Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada Jubbaland, Maamulka Gobolka Gedo, Kan degmada Doolow iyo masuuliyiin kale.