Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas”Ma jirto cid na oronaysa maxaad Garoowe u timaadeen”

688

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa sheegay inay Garoowe  u tageen inay Puntland badbaadiyaan.

isaga oo markaa sheegay inaysan jirin cid oronaysa maxaad Garoowe u timaadeen maadaama ay yimaadeen hoygoodii ama gurigoodii taasina aysan cidna is waydiinaynin hadii wanaag ama shido ay ka jirtana ay lagama maarmaan tahay inay yimaadaan wuxuu sheegay in hadii ay dhibaato jirtana ay wax ka xalinayaan .

Waxaa uu cadeeyay inay halkan ku yimaadeen cabasho kasoo gaartay bulshada reer Puntland maadaama ay yihiin masuuliyiintii hore ee Puntland soo naamushay waxna ka dhisay dowladnimada deegaanka isaga iyo wafdiga la socda

Maalmaah soo socda ayaa waxa lagu wadaa inay  furmaan shirar looga hadlayo doorashada Puntland ee 2024 iyo sidii loo xalin lahaa xiisada ka dhalatay dagaalkii ka dhacay Magaalada Garoowe.