xildhibaanada jubbland oo maanta yeeshay kal fadhiga 4aad fadhigiisa 7aad

418
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Jubbaland ayaa maanta xaruntooda ku yeeshay Kal fadhiga 4-aad fadhigiisa 7-aad kaasoo ay soo xaadireen 41 Xildhibaan.
Ajandaha kulanka maanta looga hadlay ayaa ahaa soo gudbinta labo xeer oo ay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland u soo gudbisay Xildhibaannada.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo ay dhinac fadhiyeen labadiisa ku xigeen ayaa shir guddoomiyay Kulanka.
Labada Xeer ee Baarlamaanka loo gudbiyay ayaa kala ahaa Xeerka Shaqaalaha aan dawliga ahayn ee Jubbaland iyo Xeerka Shaqaalaha ajaaniibta ah ama Shisheeye.