Madaxweynaha Dowladda Jubbaland oo maanta xarigga ka jaray qaybtii u horreysay ee Waddooyinka Laamiga ah ee magaalada Kismaayo

569
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xarigga ka jaray qaybtii u horreysay ee Waddooyinka Laamiga ah ee magaalada Kismaayo oo ka kooban 8 KM.
Madaxweyaha ayaa sidoo kale kormeeray mashruuca biyo saarka wadada halbowlaha ah ee magaalada Kismaayo oo maraya meel wanaagsan.
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa bulshada ugu baaqay inay ilaashadaan mashariicdan oo ah kuwo wakhti dheer laga soo shaqaynayay oo wax weyn ka tari doona bilicda Magaalada.