Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Kismayo ka daahfuray Shir looga hadlaayo arimaha bani’adannimada iyo saamaynta fatahaada ka dhalatay. Taas oo waxyeelaysay malaayiin Soomaali ah.
Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galaya wasiirada gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka dowlladaha xubnaha ka ah dowllada Federaalka Somalia iyo waliba qaar ka mida wasiirada xukumadda federaalka Soomaaliya.
Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari -doona sidii xalwaara loogu heli-lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha iyo waliba fataahada oo saamayn ay u gysteen bulshada xoolo dhaqatada ah iyo kuwa beeralayda ah.