Muqdisho oo lagu soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Burundi

440

Wasiirka Arrimaha Dibedda, Horumarinta iyo Iskaashiga ee Dalka Burundi Albert Shingiro iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah oo laba maalin ah.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Qoraal kooban uu soo dhigay Wasiir Abshir bartiisa Facebooka ayuu ku sheegay in Wasiirka uu la yeeshay kulan hordhac ah, isaga oo uga mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ay ku leeyihiin hawlgalka ATMIS ee Ciidamada Midowga Afrika.

Wafdiga Wasiirka oo uu ka mid yahay General Silas Ntigurirwa oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Burundi ee dhanka  Ciidamada ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay gaarsiin doonaan dhambaal ay uga wadaan Madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye.