Dhageyso: Barnaamijka Safarka Nabada Q-Todobaad Oo Looga Hadlaayo Doorka Dhalinyarada’ Haweenka’ iyo Dadka Laga Tirada ay ka qaadan karaan hanaanka dib uheshiisiinta Qaranka.

1410

Barnaamijka Safarka Nabada Qeybtii Todobaad todobaadkan Waxaa Marti Ku Ahaa Abwaan Maxamed Yaasiin (Abwaan Gabay Dhuux) iyo Idil Cabdiqaadir Xuseen Oo Ah Maamulaha Jaamacada Banaadir Ee Magaalada Kismaayo.

Abwaan Maxamed Yaasiin (Abwaan Gabay Dhuux) Waxa Uu Sheegay in aysan Jirin Cid Laga Tiro Badan yahay lkn marka laga hadlaayo khilaaf ayuu sheegay in dadka saameynta ugu badan uu ku yeesho ay tahay dadka maatada ah ama aan awoodin in codkooda ay gaarsiiyaan bulshada.

Dhinaca Kale Idil Cabdiqaadir Xuseen Oo Ah Mamulaha Jaamacada Banaadir Ee Magalada Kismaayo Ayaa Sheegtay in Bulshadu ay tahay waxa ay ku kala sareeyaan Aqoon lkn aysan jirin cid si gaar ah looga tiro badan yahay eraygaasna dadka ay u isticmalaan si qaldan lkn Dadka laga aqoon badan yahay ay yihiin dadka laga tiro badan yahay.

Hoos Ka Dhageyso Barnaamijkaan Oo Dhameystiran Waxaa Daadihinaya Wariye Kamaal Maxamed Axmed (Keeynaan)