Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowlada Jubblanad Jeneral Ismaaciil Saxardiid oo tababar gaar ah usoo xiray qaar kamid ah ciidamada Daraawiishta

0
187
Jananka Guud ee Ciidanka Daraawiishta Jubaland Oo Soo Xidhay Tababar Muhiim ah oo loo Qabtay Kooxda Sancada (EOD Team)
Ciidanka Daraawiishta Jubaland Qeyb kamid ah ayaa  si rasmi ah loogu soo xidhay tababar aad u muhiim ah oo loo qabtay Kooxda Sancada (EOD Team), kaas oo sare u qaadaya awoodda iyo xirfadda ciidamada Daraawiishta ee la tacaalida qaraxyada.
Tababarkan oo ahaa mid heersare ah ayaa geesiyasha Daraawiishta Jubaland lagu barayay culuumta iyo farsamooyinka casriga ah ee looga hortago, laguna baabi’iyo walxaha qarxa, si loo xoojiyo amniga loogana hortago khataraha ay qaraxyadu ku hayaan shacabka iyo ciidamada.
Tababarka waxaa soo agaasimay AUSSOM Sector II – KDF, kuwaas oo door muuqda ka qaatay tayeynta iyo tababarka ciidamada Daraawiishta, iyaga oo la wadaagaya khibrad iyo aqoon ciidan oo heer caalami ah.
Jeneral Ismaaciil Saxardiid ayaa si gaar ah ugu amaanay Dowladda Kenya doorka hagar la’aanta ah ee ay ka qaadanayso taageerada iyo garab istaagga geesiyasha Darawiishta Jubaland, isaga oo xusay in iskaashigan uu yahay mid miro dhal ah oo kor u qaadaya nabadda iyo xasilloonida guud.
Ugu dambayn, Janaralka Guud ayaa ku dhiirrigeliyay ciidamada ka faa’iideystay tababarka inay aqoonta ay heleen u adeegsadaan difaaca dalka, badbaadinta shacabka, iyo xoojinta amniga guud.