Afhayeenka Milliteriga dalka Koonfurta Suudaan, Sareeye Gaas Lul Ruai Koang waxa uu sheegay inay 750 Askari dhawaan sida ugu dhaqsaha badan ugu diri doonaan Bariga dalka Koongada Dimuqraadiga (Democratic Republic of Congo).
Afhayeenka ayaa hadalkaasi ka sheegay Munaasabad ka dhacday Caasimadda dalkaasi ee Juba, xilli la filayo in Ciiddankaasi loo daad-gureeyo dalka DRC, halkaasi oo ay bilihii la soo dhaafay ku dagaalamayeen Ciiddanka Dowladda iyo Fallaagada hubeysan ee M23.
Madaxweynaha dalka South Sudan, Salva Kiir oo isna ka hadlay Munaasabaddaasi waxa uu Ciiddankaasi kula dardaarmay inay Amarka dhowraan iyo inay waxyeelada ka ilaaliyaan Dadka Rayidka iyo Hantidooda.
Ciiddanka 750-ka Askari oo muddo ka badan 6 bilood qaadanayey Tababar, waxaa laga soo kala xulay Ciiddamo la isku dhafay oo ka kala socday Milliteriga Dowladda Madaxweyne Salva Kiir iyo kuwa mucaaradka ee taabacsanaa Madaxweyne-ku-xigeenka Riek Machar.
Horey, Ciiddan ka socday dalka Kenya ayaa loo daad-gureeyey dalka Koongada Dimuqraadiga halka ciiddamo kale oo ka kala socda dalalka Burundi iyo Uganda lagu biirin doono, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona Hawlgalka Ciiddamada ka socda dalalka xubnaha ka ah Ururka Bulshada dalalka Bariga Afrika (The East African Community (EAC).
Jabhadda M23 waa maleeshiyo ka soo jeeda Qowmiyada ballaran ee Tudsiga Koongada Dimuqraadiga, kuwaasi oo dagaal kula jira Dowladda dalkaasi.
Ku-dhawaad 400,000 oo qof ayaa lagu dilay muddadii ay socdaan colaadihii la dhacay dalka Koongada Dimuqraadiga (DRC) muddadii u dhexeysay sanadihii 2013 ilaa 2018.