Ciidamada Dowladda Federaalka, Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda & Ilaalo ay wataan mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe, Xildhibaanno & saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ka dhanka AS ayaa kusii dhawaanaya in ay gacanta ku dhigaan Degmada Aadan Yabaal.
Saraakiil iyo mas’uuliyiin katirsan DG Hir-Shabeelle ayaa sheegay in saacadaha soo socda ciidamada ay gudaha u galayaan Degmada Aadan Yabaal oo ah degmadii ugu dambeysay ee Shabeelaha Dhexe ay gacanta ku hayeen AS.
Wararka ayaa sheegaya in dagaal goos goos ah uu ka dhacay Deegaanka lagu magacaabo Juxay oo u dhaw Guulane oo hoostagta Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe inkasta oo aanay ilaa haatan lasoo warin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Ciidamada Dowladda oo ay wehliyaan Kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa dhowr jiho ka galay Degmada Aadan Yabaal oo ay qarka u saaran yihiin in ay gudaha u galaan sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta howlgalkaas hoggaamineysa.
Degmada Aadan Yabaal waxa ay muhiim u tahay isku xirka Gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah AS, maamullada labada Gobol ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ka mira-dhalinta howlgalladaas.