Guddoomiyaha KMG Golaha Shacabka BFS oo Xildhibaannada ugu baaqay in ay yimaadaan Hoolka Doorashada.

498

Guddoomiyaha Kumeel gaar ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Denjire Cabdisamad Xaaji Axmed Dhabancad oo ku sugan hoolka doorashada ee Afisyooni oo warbaahinta kula hadlay ayaa ka codsaday Xildhibaannada Golaha Shacabka in ay yimaadaan Hoolka Doorashada.

Guddoomiyaha oo ay hareerihiisa taagnaayeen Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaan Jacfar, ayaa laamaha Amniga ka codsaday in ay waddooyinka u sahlaan Xildhibaannada si ay u soo gaaraan hoolka doorashada sidoo kale laamaha Amniga ayuu ka codsaday in ay waddooyinka u furan Xildhibaannada.

dhanka kale waxaa Warbaahinta kula hadlay hoolka doorashada Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa dhankiisa ka codsaday Xildhibaannada in ay soo gaaraan Hoolka Doorashada.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa carrabka ku dhuftay in Guddiga uu ka go’anyahay in uu qabto doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, asiga oo sheegay in doorashada illaa caawa ay soconeyso “Afurka Xildhibaannada inta ayee ku leeyihiin haddii ay dhacdo doorashada in ay daahdo” sida uu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Muran xoogan ayaa ka taagan hirgalinta doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BFS, xilli maalinimadii shalay uu Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu albaabada isugu dhuftay xarunta Guddiga uu ku shaqeynayay ee Villa Hargeysa, sida uu warbaahinnta u sheegay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Arinta ayaa imaaneysa Xilli Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu sheegay xalay Amniga doorashada in ay mas’uul ka yihiin Ciidamada ATMIS, qaar ka mid ah Wariyaasha ayaa loo diiday saakay in ay galaan xarunta doorashada, wallow markii dambe loo ogalaaday.