Wasaarada caafimaadka Jubbaland Ayaa Maanta Agab Caafimaad Udirtay Degmada Buurdhuubo Ee Gobolka Gedo Kaas Oo In Muddo Ay Ubaahnaayeen Shacabka Degmadaaas.
Agabkan Ayaa Ah Mid Loogu Talagalay Hooyada Iyo Dhalaanka kaas Oo Aan Horay Uga Jirin Degmada islamarkaana Sababtay Inay Hooyooyin Badan Ugeeriyoodeen Mudadii Ay Jirtay baahidda Agabkaan.
Wasiirka Caafimaadka Jubbaland Maxamed Oogle Oo marka Agabkaan la Dirayay Warbaahinta Kula Hadlay Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Ayaa Sheegay Inuu Agabkaan Dabooli Doono baahidda Degmada Ee Dhanka Hooyada Iyo Dhallaanka.
Muddo Badan waxaa Jirtay In Hooyooyinka Degmadaasi Xilliyada Foosha Ah loo Qaadi Jiray Degmada Garbahaarey Taas oo Mararka Qaar Sababta Inay Hooyooyinka Foosha Dhiig Bax Ugu Geeriyoodaan Taasi Oo loo Sababayn Jiray Degmada Oo Aad Ugu Liidatay Dhanka Daryeelka Caafimaad