Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal qorsheysan lagu dilay 21 katirsan Al-Shabaab

557

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal qorshaysan oo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ay ka fuliyeen deegaanka Galka Saalimow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 21 katirsan Al-Shabaab 10 kalena lagu dhaawacay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee la dilay ay ku howlanaayeen falal ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed., isla markaana howlgalka oo ahaa bartilmaameed uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, laguna  burburiyay fariisimahoodii.

“ Jabkaan gaaray Al-Shabaab  ayaa ka dhigan in afar maalmood gudahooda Ciidanka Qaranka ay dileen ku dhowaad 200 oo ka tirsan Al-Shabaab.  Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo fahmay muhiimada in hal meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab oo dalka, dadka iyo diinta duulaanka ku ah ayuu lagu yiri” Warsaxaafadeedka”