Wasaarada dhalinyarada Jubbaland oo ku dhawaad 500 dhalinyaro ah baraysa xirfado kala duwan.

1120

Shir soo qaban qaabisay wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ka soo qayb-galeen Wasaaradaha Beeraha iyo kaluumaysiga ayaa waxaa lagu shaaciyey in dhalin-yaro gaadhaysa ila 500 dhalin-yaro ah loo samayn doono xirfado iyo Tababaro kala duwan oo ku saabsan beeraha,kaluumaysiga,dhaqashada digaaga iyo xirfada cilad saaridda mobile-lada.

Agaasimaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirahmaan Cabdi Maxamed ayaa ka warbixiyey mashruucan faa’iidada uu u leeyahay dhalinyarada iyo xiliga uu bilaabmayo.