
Shir soo qaban qaabisay wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ka soo qayb-galeen Wasaaradaha Beeraha iyo kaluumaysiga ayaa waxaa lagu shaaciyey in dhalin-yaro gaadhaysa ila 500 dhalin-yaro ah loo samayn doono xirfado iyo Tababaro kala duwan oo ku saabsan beeraha,kaluumaysiga,dhaqashada digaaga iyo xirfada cilad saaridda mobile-lada.
Agaasimaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirahmaan Cabdi Maxamed ayaa ka warbixiyey mashruucan faa’iidada uu u leeyahay dhalinyarada iyo xiliga uu bilaabmayo.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







