Tripoli Oo Noqotay Xero Ciidan Iyadoo Laga Cabsi Qabo Dagaal Ka Dhaca Liibiya

793

Caasimada Liibiya ee Tripoli ayaa isku bedeshay xero ciidan iyadoo laga cabsi qabo dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad uu taageero Abdel Hamid Dbeibeh oo ah madaxa xukuumada ku meel gaadhka ah iyo dagaalyahano uu taageerayo baarlamaanka uu magacaabay Fatxi Bashagha oo ah gudoomiyaha golaha wasiirada ee midnimada.

Taliyaha ciidamada milateriga ee gobolka galbeedka, Major General Osama al-Juwaili, ayaa sheegay inay diidan yihiin inay wada xaajood la galaan kooxaha hubaysan ee gacan saarka la leh Dbeibeh, isagoo ka dalbaday inay si shuruud la’aan ah uga baxaan xarunta dowladda.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sidoo kale ka soo xigatay ilo ka tirsan xukuumadda Bashagha oo sheegtay in ciidamadoodu aysan bilaabi doonin isticmaalka xoogga.

Waxa uu xusay in u jeedka cutubkan uu yahay in la sugo amniga xarumaha dowladda si golaha wasiirada ay u gutaan howlahooda shaqo.

Dhanka kale, ilo wareedyo warbaahineed ayaa sheegay in dhowr hoggaamiye oo daacad u ah Dbeibeh ay hawl galiyeen wax loo yaqaan “Golaha Militariga Tripoli”, taasoo ku soo beegantay iyadoo ay socdaan

dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo lagu sugayo waddooyinka laga soo galo iyo kuwa ka baxa magaalada, isla markaana xiray waddooyinka gala garoonka diyaaradaha ee Tripoli.

Wakaalada Anadolu oo soo xiganaysa ilo militari oo xiriir la leh xukuumada Dbeibeh ayaa sheegtay in ciidamo militari la geeyay Koonfurta magaalada Tripoli.

Intaa waxaa dheer, guddiga xuquuqul insaanka ee Liibiya ayaa sheegay in ay si weyn ula socdaan abaabulka hubeysan ee ka socda goobaha kala duwan ee Tripoli iyo agagaarkeeda, taas oo khatar gelinaysa kororka rabshadaha cusub iyo iskahorimaadyada hubaysan.

Guddiga ayaa ka digay in arrintan ay wax weyn u dhimi doonto amniga, badqabka, iyo nolosha dadka rayidka ah iyo hantidooda ee caasimadda.

Hay’adda ilaalinta dambiyada Liibiya ayaa ku baaqday in la joojiyo diyaar garowga militari ee ka socda agagaarka Tripoli, isagoo ku booriyay dhammaan dhinacyada inay joojiyaan wax kasta oo keeni kara gacan ka hadal.

Qarammada Midoobay ayaa walaac ka muujisay xaaladda Liibiya, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khusayso inay tixgeliyaan danaha shacabka Liibiya.

“Waxaan si walaac leh ula soconaa waxyaalaha kazoo kordhay Liibiya, oo ay ku jiraan abaabulka ciidamada, hanjabaadaha in xoog loo adeegsado ujeeddooyin siyaasadeed,” ayuu yiri Stephane Dujarric, afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL) ayaa Jimcihii ka digay in kooxaha hubaysan ee ku sugan gobolka xasaasiga ah ee Sirte ay ka hortagayaan dadka rayidka ah inay helaan adeegyada muhiimka ah.

UNSMIL waxay sheegtay inay heshay “warbixino walaac leh oo sheegaya in xannibaadahani ay ka hortagayaan gelitaanka dadka rayidka ah ee isbitaallada, dugsiyada, dukaamada, iyo tas-hiilaadka kale ee muhiimka ah.”

Waxay intaas ku dartay in xorriyadda dhaqdhaqaaqa rayidka ah dib loo soo celiyo islamarkaana lasii daayo dhammaan dadka sida sharci-darrada ah u xiran.”