Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Axadii saxiixay xeer cusub oo dhanka badda ah taaso ka dhigaysa in Maraykanka uu yahay Dowladda ay xifaaltamaan Ruushka, isla markaana qeexaya hamiga badda ee Ruushka ee caalamiga ah ee meelaha muhiimka ah sida Badweynta Arctic iyo Badda Madow.
Isagoo ka hadlayay maalinta ciidamada badda ee Ruushka oo lagu qabtay caasimadii hore ee boqortooyadii St Petersburg ee uu aasaasay Tsar Peter the Great, Putin ayaa Peter ku ammaanay sida uu Ruushka uga dhigay dal leh quwad weyn oo dhanka badda ah, isla markaana uu kor ugu qaaday sumcadda caalamiga ah ee dawladda Ruushka.
Dagaal diplumaasiyadeed ee Ruushka iyo Mareeykanka ayaa xoogaystay kadib duulaanka dowladda Ruushka ay ku qaadday Ukraine, ayado ay xusid mudantahay in dowladda Mareykanku ay dadaal ku bixinayso sidii Ruushka loo saari lahaa cunaqabateyn iyo cadaadis caalami ah si uu uga laabto duulaanka Ukraine.