Booliska oo soo qabtay eedeysane loo heysto dil ka dhacay Muqdisho

476

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ay saacadihii la soo dhaafay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen gudaha degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa howlgalkan ku soo qabtay eedeysane horay dil ugu geystay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacqabi jiray Maxamed Axmed Cabdulle, kaas oo dhacay 15/11/2022, kuna dilay degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanaha oo muddo lagu raad-joogay haatan la soo qabtay, laguna xiray saldhigga Dayniile.

Sidoo kale wuxuu Boolisku shaaca ka qaaday in ninkan loo sii gudbin doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Eedeysanaha ayaana haatan la hor geynayaa Maxkamadaha dalka si luugu fuliyo xukunkiisa,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay Booliska Gobolka Banaadir.

Maalmihii u dambeeyay ciidanka Booliska ayaa kordhiyay howlgalada ka socdo Muqdisho kuwaas oo lagu soo qabtay burcaddii ugu badneyd ee dhaca ka geysan jirtay caasimadda.