Kaluumaysatada Gobolka Jubbada Hoose oo ay soo food saartay shaqo la’aan

732

Kaluumaystada Gobolka Jubbada Hoose ayaa wajahaaya xaalad adag oo dhinaca nolasha ah.Intooda badan hadda mashaqeeyaan oo waa camal la’aan maadama Bada Kacsan tahay oo lagu jiro xiliga Bad xidhanka

.
Abdirashiid Hassan Sh,Aways oo ah Aabe dhalay sided caruur ah,lehna laba xaas waxaa uu ka shaqaysan jiray kaluumaysiga,dhaqaalaha ka soo gala shaqada kaluumaysiga ayu uku maarayn jiray nolasha qoysaskiisa balse hadda waxaa uu noqday shaqo la’aan oo waxaa uu la’yahay wax-yaabaha aas aasiga ee nolsha u baahnayd.

Wax soo saarka badda oo yaraaday ayaa keentay in Qiimaha Kaluunka magaalada Kismaayo uu gaadho qiimaha halkii ugu sareeyey,kiillaha kuluunka ayaa maraya lacag dhan 156000 oo u dhiganta lix dollar,halka markii hore ka ahaa 52000 SH SOM.
Maxamed Abuukar Maxamed oo ka mida ganacsatada suuqa kaluunka ee magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyey Isbadalka ka jira qiimaha kaluunka.

Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayradka Badda Jubbaland ayaa diginin u dirtay kaluumaysatada Gobolka Jubbada Hoose si aysan khatar u galin naftooda xiligan ay baddu ka kacsan tahay.