Kumanaan kun oo qof ayaa la daadgureeyay kadib dab ka kacay qeybo kamid ah Galbeedka Yurub

584

Dab xooggan ayaa Sabtidii shalay ka kacay galbeedka Yurub, kaasoo baabi’iyay dhul badan, kumanaan kalena ku qasbay inay guryahooda ka cararaan, iyadoo ay socdaan kuleylo aad u daran taariikhda oo kasii daraya.

Dab-damiska ayaa la halgamayay sidii ay u xakameyn lahaayeen dabka qaybo ka mid ah Faransiiska, Spain iyo Portugal, iyadoo la aaminsanyahay in kulaylka xilliga xagaaga uu sahlay in uu sii xoogaysto dabka ayadoo laga cabsi qabo in uu sii socdo todobaadkan.

Gobolka Gironde ee koonfur-galbeed Faransiiska, in ka badan 12,000 oo qof ayaa laga daadgureeyay iyadoo dabaylo xooggan ay niyad jabiyeen dadaallada lagu doonayo in lagu xakameeyo dab ka kacay kaymaha.

Dabka ka kacay qeybo kamid ah Faransiiska ayaa baabi’iyay ku dhawaad ​​10,000 hektar oo dhul ah.

Saraakiisha dabdamiska Faransiiska ayaa warbaahinta u sheegay in dabku yahay mid xooggan una muuqda in uu yahay mid sii fidi doona.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ku nool meel u dhow deegaanka La Teste-de-Bik ee Gironde ayaa warbaahinta u sheegay in aysan weligood arkin dab kan lamid ah.

Dalka ay faransiiska jaarka yihiin ee Spain ayaa la dagaalamay dhowr meel oo uu dab ka kacay, kadib markii uu dalkaasi wajahay heerkul aan caadi ahayn oo gaaray ilaa 45.7C.

Koonfurta dalkaasi, meel u dhow magaalada Costa dal sol, in ka badan 3000 oo qof ayaa laga daadgureeyay guryahooda sababo la xiriir dabka ka kacay keymaha meel u dhow magaalada Mjas, qaar badan oo kamid ah dadkaasi ayaa la dajiyay garoomo kubadda cagta, si ay u helaan adeegyada gargaarka deg-degga ah.

Mid ka mid ah dabkii ugu qasaaraha badnaa ayaa ka kacay dalka Portugal, halkaas oo duuliye diyaarad  dab-damis ah uu hawada ku dhintay Jimcihii kadib markii ay diyaaraddiisu burburtay xilli uu hawlgal ka waday deegaanno u dhow xadka Spain.

Waa dhimashadii ugu horreysay ee dab ka kacay dalka Portugal sanadkan, kaasoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 160 qof toddobaadkan, boqolaal kalena lagu daadgureeyay.

Wasaaradda caafimaadka Portugal ayaa sheegtay in 238 qof ay u dhinteen kulaylka intii u dhaxeysay 7 iyo 13 Luulyo, oo badankood ay ahaayeen dad da’ ah oo qabay xaalado caafimaad.