
Dadka ku nool magaalada Kisamayo ayaa aragtido ka dhiibtay sida ay u arkaan Amarkii uu shalay galinkii danbe uu Raysalwasaaraha Soomaaliya Ku joojiyey Mashruuc ku kacaayey lacag dhan 112Milyan oo dollar kaas oo bank-ga Aduunka ugu talla galay in afar magaalo oo kala ah ,Kismaayo ,Garoowe ,Baydhabo iyo Muqdisho looga hirgaliyo Wadooyin laami ah .
Magaalada Kismaayo ayaa mashruuca ka heshay 16 waddo oo laam ah oo dherarkoodu yahay 32km .
Dadka ku dhaqan Kismaayo oo radio Kismaayo wax ka waydiisay ayaa sheegay in aad uga xun yihiin amarka uu Raysalwasaaraha uu ku joojiyey mashruucan oo waxbadan ka tarilahaa dib u dhiska dalka .
Xafiiska Raysalwasaaraha Soomaliya ayaan sharaxaad ka bixinin sababta hakadka loo galiyey mashruucaan .

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







