Xuska 8 Maarso oo maanta lagu qabtay Muqdisho

925

Munaasabad balaaran oo lagu xusay maalin caalamiga ah ee 8 Maarso oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladda waxaa ka qeybgalay marwada koowaad ee dalka Zaynab Cabdi Macalin, wasiirka haweenka Xaniifa Maxamed Ibraahim, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda, taliyaha ciidanka booliiska iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Haweenka oo ka hadlaysay xafladda ayaa u hambalyaysay haweenka Soomaaliyeed waxayna si gaar ah uga hadashay dadaalada xaqiijinta qoonddada haweenka ee 30% iyo arrimaha abaaraha oo haweenka ugu horeeyaan kuwa ay saameyso abaartu.

Marwada koowaad ee dalka oo soo gabagabeysay xafladda ayaa haweenka ugu hambalyaysay munaasabadda sideedda Maarso awgeed, iyadoo bogaadiysay dadaalada haweenka lagu horumarinayo.

Sideedda Maarso ayaa dunida oo idil loogu dabaal degaa haweenka, Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka sida weyn u xusa maalintan caalamiga ah.