Gudiga gurmadka abaaraha ee Jubbaland ayaa maanta waxa ay Dugsiga Ganaane ee Degmada Kismayo kala wareegeen dhaqaalo lacageed oo ay soo ururiyeen Ardayda dhigata Dugsiga

738

Gudiga gurmadka abaaraha ee uu magacabay wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland ayaa maanta waxa ay Dugsiga Ganaane ee Degmada Kismayo kala wareegeen dhaqaalo lacageed oo ay soo ururiyeen Ardayda dhigata Dugsiga hoose dhexe sare Ganaane ee Magaalada Kismaayo.
Goobta ay lacagaha ku kala wareegayeen ayaa waxaa goob joog ahaa gudiga gurmadka abaaraha iyo maamulka Dugsiga , dhaqaalaha lagu wareejiyey Gudiga ayaa gaadhayey $513 oo dollarka mareekanka ah iyo sidoo kale lacago shilin soomaali, lacagtaas oo ay iska soo ururiyeen Ardayda dhigata Dugsiga ganaane.

Maamulaha Dugsiga Ganaane ee Degmada Kismaayo Maxamed Xirsi Cabdullahi ayaa sheegay intii karaankooda ah inay soo ururiyeen, sidoo kale maamulaha ayaa gudiga ku ammaanay shaqada adag ay u hayaan Dadka abaarta saamaysay.

Afahayeenka Gudiga gurmadka abaaraha Ugaas C/laahi Siraad Cabdi ayaa ka warbixiyey lacagta ay kala wareegeen Dugsiga Ganaane, wuxuuna uga mahadceliyey sida ay isku xilqaameen.