Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa ayaa xariga kajaray dhismayaal cusub kuwaasoo lagusoo kordhiyay Isbitaalka Guud ee Degmada Kismaayo

906

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa
ayaa xariga kajaray dhismayaal cusub kuwaasoo lagusoo kordhiyay Isbitaalka Guud ee Degmada Kismaayo.

Dhismahan cusub ayaa looga hawlgali doonaa qaybta gargaarka deg-degga ah ee isbitaalka guud ee degmada Kismaayo.

Sidookale madaxweynaha ayaa kormeer kumaray qaybaha kala duwan ee isbitaalka asagoo u kuur galayay hawlaha isbitaalka iyo sida ay usocdaan

Waxaa xarig jarkan madaxweynaha ku wehliyay wasiirka wasaaradda cafimaadka iyo daryeelka bulshada Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Oogle.