Barnaamijka Nabadda & Dhallinyarada: Sidee dhalinta uga qeyb-qaadan karaan wax soo saarka

1141

Barnaamijka nabadda iyo dhalinyarada ayaa todobaadkan looga hadlay mowduuca ah “Door caynkee ah ayay dhalinyaradu ka qaadan karaan wax soo saarka dalka”.

Barnaamijka waxaa todobaadkan marti ku ahaa Agaasimaha wasaaradda beeraha iyo waraabka Jubbaland C/rashiid Cabdi Faarax.

Agaasimaha oo ka jawaabaya doorka dhaliyarada ee wax soo saarka dalka ayaa sheegay in dhalinyaradu yihiin laf dhabarta bulshada ee awoodda Soomaaliya, isagoo xusay in ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin cid walba oo dooneeysa in dalku wax soo saar rasmi ah yeesho.

Isagoo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yiri;

“Dhalinayradu wax badan bay wax ka qaban karaan xagga wax soo saarka dalka, waad ogtahay wadankan Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka aan joogno ee Jubbaland, gaar ahan gobolkan J/hoose, ilihii ugu muhiimsanaa ee wax soo saarka ayuu ahaa  xilligii dowladdii, dhulkiina waa dhulkii oo sidii ayuu u dihanyahay, marka ilaahay wuxuu nagu beeray deegaan ku habboon beerashada, marka dhalinyaradu doorka ay leeyihiin waa doorka ugu muhiimsan.”

Agaasimaha ayaa sheegay in waxyaalaha ugu badan ee dhalinyarada ka niyad jabiyay in dhulkooda wax kasoo saartaan ay kamid tahay suuq la’aanta, isagoo sheegay in marka beeraleeydu dalagyadooda soo go’aan ay waayaan meel ay u iibgeeyaan, arrintaa oo uu xusay in wasaaraddu ay dadaal dheer ku bixisay sidii suuq caalamiga ah iyo mid gudahaba loogu heli lahaa, taasoo uu xusay in ay meel wanaagsan mareeyso.

Agaasimaha ayaa dhalinyarada ku booriyay in ay dalkooda aaminaan oo ay wax kasoo saartaan, isagoo sheegay in haddii dhalinyarada loo jiheeyo dhanka wax soo saarka uu dalkan deg-deg horumar ugu talaabsan karo.

“Dhulka aan heeysanno ee ilaahay nagu beeray aagga aan joogno meelaha ugu muhiimsan waa webiga dhulka saaran, waxaa dadka loogu jiheyn kara in la tuso deegaanka iyo dhulka aan heeysanno in wax soo saar looga faa’iideeysto.” Ayuu agaasimuhu hadalkiisii raaciyay.

Mar la weeydiiyay fursadaha ay wasaaradda u heeyso dhalinyarada baratay culuumta beeraha ayuu yiri;

“Wasaaradda beeruhu waxay sal u tahay qof walba oo muwaadin ah oo Soomaaliyeed oo cilmiga beeraha bartay, qof kasta oo cilmi beereed leh wasaaraddu way soo dhaweeyneysaa, sababtuna waxay tahay in cilmiga ay barteen ay dadkooga uga faa’iideeyaan, shaqaale badan ayaa hadda jooga oo tababarro siiya beeraleeyda, dadkaa door muhiim ah ayay leeyihiin.”

Dhageystayaashii barnaamijka ka qeyb-galay ayaa dhammaantood muujiyay doorka muhiimka ah ee ay dhalinyarada ka qaadan karaan wax soo saarka iyo caqabadaha ka hortaagan.

Sumayo oo kamid ah dhageystayaasha ayaa tiri;

“Walaale waxaa horumar lagu gaari karaa dhalinyarada oo gacmaha is qabsada wadajir wax kastana qabsan karta, sidaa oo ay tahay dhalinyarada badankood kurkaa looga istaagaa anigaa reer hebel ah iyo kanaa reer hebel Inta meel lagu geeynayo hormar ma gaareeyso, caqabadda hortaagan waxay tahay anaa reer hebel ah iyo.. kan madaxda ah ayaa hor istaagaya oo wax ku cuneeysa ninkii wax soo bartay aqoontiisa la muujiyo oo la garab taagnaado laakiin garabeeyshanka ayaa caqabad ku ah.”