Wasaaradda caafimaadka Jubbaland oo daahfurey olale si bilaash ah qaliin loogu sameenaayo dadka faruuran

982

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Jubbaland ayaa daahfurey Olale si bilaash ah qaliin loogu samaynayo dadka Faruuran.

Ol’olahaan oo qaliin bilaash ah loo gu samaaynayo dadka faruuran ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka daahfurtay Wasaaradda Caafimaad iyo daryeelka bulshada ee dowlad goboledka Jubbaland.

Qaliinkan bilaashka ah ayaa waxaa ka faa’iidaysan doona ilaa 100 qof oo ka mid ah dadka faruuran, kuwaas loo ha gaajin doono faruuryohooda,waxaa uuna qaliinkaan socon doona muddo 14 bari ah.