Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Maamul goboleedka Hirshabeele oo shaciyay in laqaban doono kuraasta harsan ee Aqalka Sare ku matalaya Hirshabelle

756

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar lagu qabto laba kamid ah kuraasta ka harsan Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha maanta kursiga koowaad ku tartamayo ayaa waxaa ay kala yihiin, Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir, Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdalla Cabdi Xuseen.

Kursiga labaadna waxa ku tartamaya laba gabdhood oo keliya kuwaas oo kala ah; Niciimo Ibraahim Yuusuf iyo Samsam Cabdullaahi Axmed.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagu dooranayo xubnahan ayaa ka socota magaalada Jowhar, iyadoona si weyn loo adkeeyay ammmanka magaalada Jowhar.