Waxaa manta si rasmi ah loogu wareejiyey xilka wasiirka wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka wasiirada cusub

1013

Waxaa manta si rasmi ah loogu wareejiyey xilka wasiirka wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka wasiirada cusub ee dhowaan loo magacaabey xilkaasi marwo marwo Cadar Cabdullaahi Ismaaciil.
Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ahaa madaxweyne kuxigeenka 1aad ee dowlad goboleedka jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan, wasiirka cusub ee wasaarada marwo Cadar Cabdullaahi Ismaaciil agaasimaha guud iyo shaqaalaha kala duwan ee wasaarada.
Wasiirka cusub ee wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka ee dowlad goboleedka jubbaland marwo Cadar Cabdullaahi Ismaaciil oo madasha kahadashey ayaa ooga mahad celisey wasiirkii hore shaqada ay kasoo qabtey wasaarada mudada sideeda sano ah ee ay xilkaasi heysey.
Wasiirkii hore ee wasaarada haweenka marwo Qamar Deeq Xaaji Khaliif, oo dalka ooga maqan arrimo caafimaad ayaa munaasabada xil wareejinta kaga qeyb gashay alaada fogaan arraga ee looyaqaano zoomka, waxeyna sidaasi xilka ugu wareejisey wasiirka cusub ee wasaarada.
Ugu dambeyntii madaxweyne kuxigeenka 1 aad ee dowlad goboleedka jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan oo munaasabada kahadley ayaa ugu hambal yeeye wasiirka cusub ee xilka loo dhiibey