Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Jubbaland oo xilka la wareegay

921

Munaasad aay xilkaa kula kala wareegayeen wasiirka cusub ee Wasaarada Boostada, isgaarsiinta iyo Tignooliyada Jubbanlad ayaa manta lugo qabtay Magaalada Kismaayo.
Munaasabadan waxaa goobjog ka ahaa madaxwayne ku xigenka 1-aa mudane Maxamud Sayid Adaan, wasirkiI hore ee wasaaradda warfafinta Jubbanlad Cabdi Xusen sheikh Maxamed iyo wasiirka cusub ee wasaaradda Boostada isgaarsiinta iyo Tiknoologyada.

Wasaaradda Boostada,Isgaarsiinta iyo Tiknoologyada ayaa waxaa ay horay qayb uga ahayd wasaarada warfaafinta Jubbaland Balse dhawaan markii madaxwaynaha Jubbaland u uku dhawaaqay Gole Wasiiro oo Cusub ayaa laga kala dhigay laba wasaaradood kala madax banaan.
Wasiirkii hore ee wasaarada Warfaafinta Jubbaland ENG Cabdi Xussen Sheikh Maxamed ayaa munaasabada xilwareejinta ka hadlay.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Boostada,Isgaadhsiinta,iyo Tiknoologyada Cabdirashiid Maxamed Ducaale ayaa ka mahad celiyey xilka uu u igmaday madaxwaynaha Jubbaland si uu ugu adeego.
Ugu danbayntii waxaa munaasabada xilka kula wareegayeen goob jog ka ahaa Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Adan oo la dardaarmay wasiirka Cusub ee shaqada la wareegay.