Madaxwaynaha Jubbaland oo ka hadlay roob yarida ka jirta deeganada Jubbaland

983

Deegaano Badan oo ka tirsan degmooyinka dowlad goboleedka Jubbaland  ayaa sanadkaan waxaa ka jira roob yari,iyadoo aan si fiican loo hellin roobkii guga oo la filaayey in xiligaan uu ka bilowdo meelo kala duwan.

Dadka xoolo dhaqatada ah iyo waliba beeralayada ayaa siwayn ugu tiirsan roobka maadama ay ku beertaan dalagyada beeraha halka dadka xoolo dhaqatada ahna ay xoolahoodu ku tiirsan yihiin baadka iyo biyaha ku soo baxa roobka.

Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal kooban oo ka hadlaayey roob yarida ka jirta deegaanada Jubbaland oo la wada sugaayey.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ay wadaan dadka beeralayda ah ee ku nool deeganada waqooyiga ka xiga magaalada Kismaayo oo ka faa’iidaystay roobkii gu’ga oo ka da’ay deegaanadas