Siciid Deni oo faah faafin ka bixiyay fashilka ku yimid shirkii Afisyooni

1177

Siciid Deni oo faah faafin ka bixiyay fashilka ku yimid shirkii Afisyooni

Siciid Deni oo faah faafin ka bixiyay fashilka ku yimid shirkii Afisyooni.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo bixiyay wareysi dhinacyo badan taabanayay ayaa ka hadlay eedeaha Dowladda dhexe ay u jeedisay isaga iyo Axmed Madoobe ee ku aaddan in ay sabab u ahaayeen fashilkii ku yimid shirkii Afisyooni ee u dhexeeyay Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya

.

Deni ayaa iska fogeeyay eedda Culus ee loo jeediyay waxaana uu carrabka ku dhuftay in wax waliba oo sababay fashilka shirkaasi uu mas’uul ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdulalahi Maxmed Farmaajo, isagoo sheegay in la isku mari waayay Ajandaha shirka, waxaana uu tilmaamay in Madaxdu ay Aadeen wadatashiyo ayna Nasiino u bexeen, balse ay ka war heleen hadalka kasoo yeeray Dowladda dhexe ee ahaa in shirkii fashil kusoo dhammaaday oo aan wax Natiijo ah laga gaarin.