Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta oo talaado ah waxa uu uu safar degdeg ah ugu ambabaxay Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Itoobiya ayaa warar aan helnay waxa ay sheegayaan in uu salka ku hayo arrimaha kasoo cusboonaaday Gobolka Geeska Afrika,waxana uu kulan la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed
Loolanka Siyaasadeed ee xilligaan u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay ayaa shaki geliyey Soomaaliya Socdaalka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu ku marayo dalal ka mid ah kuwa Geeska Afrika.
Axadii la soo dhaafay ee todobaadkaan waxaa Shir saddex geesood ah magaalada Asmara ku yeeshay Madaxda dalalka Eritrea, Itoobiya iyo Kenya,waxaana taasi dad badani u arkaan culeys siyaasadeed oo soo wajahay Soomaaliya.