Xaafado ay biyo la’aan ka jirtay oo ka tirsan magaalada Kismaayo oo biyo-dhaamin loo sameeyay

1008

Wasaaradda Macdanta Tamarta iyo Biyaha ee Dowlad Gobaledka Jubbaland ayaa qabatey kulan lagu xusayey maalinta Biyaha Adduunka oo sanad waliba 22 Maarso laga xuso dunida.

Wasaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Jubbaland ayaa waxa ay soo bandhigtay Booyado garayaa 6 xabo ku waas oo ay ugu tala gashay in ay ku sameyso biyo dhaamin waxaa ayna Biyo dhaamin ka sameeysay qeybo kamid ah xafadaha magalada Kismayo nawaaxigeeda.

xafadaha ay Wasaradda Biyo dhaaminta ka sameeysay ayaa waxaa ka mid ah ah xafadda New Kismaayo oo ay ku nool yihiin dadkii dalka dib ugu soo laabtay.

Qaar kamid ah dadkii loo sameeyey Biyo dhaaminta ayaa so dhaweyay ayago u mahdceliyay Wasaradda sida ay u soo gaarsiyay Biyaha oo ay baahi badan u qabeen .

Gudomiye kuxigeenka dagmada Kismayo Cabdulahi Mohamed Cabdi ayaa asagana ka shekeyay muhimadda ay leedahay malintaan sido kale wasaradda Macdanta,Tamarta iyo Biyaha ku amaanay sida ay u diyarisay munasaddan lagu xusayo malintan

wasiirka ku-xigeenka Wasaradda Macdanta,Tamarta iyo Biyaha Jubbalnd Abdirashid Mohamed Ducaale oo madasha ka hadalay ayaa waxa uu dul istaagey muhimadda ay leeyihiin Biyaha iyo sida loogu bahanyahay, sido kale xusay in malintaan ay tahay maalin ku weyn bulshada Soomaaliyeed Biyaha ay yihiin waxa ogu horeyo Aadanuhu isticmalo.

22 maarso waxaa sanad waliba laga xusaa dunida maalinta biyaha Adduunka waxaana laga arin sadaa sidii uu aadanaha ku heli lahaa biyo dhameystiran oo nadiif ah