
Guddiga Shaqaalaha Rayidka waxu bilaabay kormeer lagu xaqiijinayo fulinta waajibaadka shaqo ee hay’adaha dowladda. Kormeerkan wuxuu qayb ka yahay waajibaadka sharciyeed ee Guddiga ee la xiriira kormeerka, nidaaminta, iyo horumarinta adeegga rayidka si loo xaqiijiyo hufnaan, isla xisaabtan, iyo waxqabad sare.
Kormeerkan ayaa lagu bilaabay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyadoo diiradda la saarayo qiimeynta habsami-u-socodka shaqada, u hoggaansanaanta xeerarka iyo nidaamyada adeegga rayidka, iyo kor u qaadista tayada adeegyada ay wasaaraddu u hayso bulshada.
Kormeerku wuxuu sidoo kale gacan ka geysanayaa xoojinta maamul-wanaagga iyo hubinta in shaqaalaha rayidku u gutaan waajibaadkooda si waafaqsan sharciga iyo anshaxa shaqada dowladda.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







