Deegaanka Wadajir oo hoostaga magaalada Kismaayo oo Wasaaradda Macdanta, Tamrata iyo Biyaha Jubbaland ay dhowaan ka hirgalisay Berket loogu talo galay in ay biyaha ka cabbaan dadka deegaanka oo markii ka cabanaayey biyo yaraan ayaa maanta waxaa kormeeray masuuliyiin kala duwan.
Wasiirka wasaaradda macdan iyo biyaha Jubbaland Cabdiraxmaan Muxumed Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tegay deegaanka Wadajir si uu ugu kuurgalo sida ay dadka deegaanka u anfacday Berkedda ay u dhistay wasaaradda.
Dadka deegaanka Wadajir ayaa Wasiirka iyo masuuliyiintii kale ee la socotay u sameeyey munaasabad kooban oo mahadcelin ah maadaama deegaanku yahay mid hadda ka baxay baahidii dhanka biyaha, dadkuna ay biyaha ka cabbaan Berkedda ay u dhistay wasaaradda Biyaha Jubbaland.
Gudoomiyaha deegaanka Wadajir Cabdiqaadir Raage Cabdi oo ka mahadceliyey Berekedda loo dhisay deegaanka ayaa sheegay in dadka deegaanka oo aad u badan awgeed aysan ku filnayn halka Berked ee loo dhisay, wuxuuna Dowladda ka codsaday in deegaanka loo sameeyo Berkedo badan oo biyaha laga cabo.
Agaasiamha arriamaha bulshadda ee maamulka gobolka Jubbada Hoose Jaamac Cabdulaahi Ugaas ayaa sheegay in wasaaradda in ay qabatay howl muhiim ah oo aad loogu baahnaa
Wasiirka wasaaradda Macadanta, Tamarta iyo Biyaha Jubbaland Cabdiraxmaan Muxumed Maxamuud ayaa si rasmi ah bulshadda deegaanka Wadajir ugu wareejiyey Baraakadakaan, wuxuuna sheegay in maanta wixii ka danbeeyo lagala xisaabtami doono daryeel iyo ilaalinta Berkeddaan.