Gudoomiyaha degmada Luuq ee gobolka gedo ayaa kormeer kutagay dugsiga sare ee Luuq Ganaane Secondary School.

109
Gudoomiyaha degmada Luuq mudane Daahir Muxumed Nuur oo ka duulayo ka warqabidda goobaha muhiimka u ah bulshada ayaa manta waxa uu kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda waxbarasho iyo baahiyaha gaarka ah ee kajiro uu kutagay dugsiga sare ee Luuq Ganaane, waxaana guddoomiyaha halkaasi kusoo dhaweeyay ardayda iyo macalimiinta iskuulka.
Mudane Daahir ayaa kula dardaarmay ardayda sanadkan imtixaanaadka Qaranka galaysa inay guulo usoo hoyaan degmada, isagoona u balan qaaday in marwalba uu garab taagan yahay dugsiga sare islamarkaana uu wax kaqaban doono baahiyahooda gaarka ah.
Maamulaha dugsiga sare ee Luuq Ganaane Mohamed Cali Geedi ayaa uga mahadceliyay gudoomiyaha degmada booqashada uu ugu yimid isagoona la wadaagay wax yaabaha uu ubaahan yahay iskuulka oo ah mid muhiim u ah bulshada degmada Luuq.