Maamulka Dhobley oo Fagaare Ku Gubay Maandooriye Isugu Jira Qamri iyo Xashiish

0
13
Maamulka Degmada Dhobley ayaa meel fagaare ah ku gubay maandooriye isugu jiray qamri iyo xashiish, kuwaas oo dhawaan ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amniga ee degmada.
Maamulka ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka iyo ka ganacsiga maandooriyaha ee degmada.
Mas’uuliyiinta Degmada Dhobley ayaa sidoo kale caddeeyay in qof kasta oo lagu qabto isagoo wata, isticmaalaya ama ka ganacsanaya maandooriye la horgeyn doono sharciga, isla markaana laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga dalka.
Maamulka ayaa digniin adag u diray dadka ku hawlan ka ganacsiga iyo qaybinta maandooriyaha, iyagoo ugu baaqay inay joojiyaan falalkaas, ayna ka waantoobaan wax kasta oo waxyeello u geysanaya bulshada.