
Deegaanka Raaskambooni oo hoos taga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose waxaa lagu soo gabagabeeyey tababar iyo wadatashi lagu xoojinayo Iskaashiga Booliska iyo Bulshada .
Tababarka ayaa waxaa ka qayb galay saraakiil ka socotay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose iyo hawlwadeenno ka tirsan Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland, kuwaas oo bulshada deegaanka la wadaagay aqoon iyo talooyin ku saabsan xoojinta wada-shaqeynta Booliska iyo bulshada.
Iskaashiga Booliska iyo Bulshada ayaa loogu talagalay in uu noqdo isku-xir muhiim ah oo u dhexeeya hay’adaha amniga iyo bulshada, si loo fududeeyo is-dhaafsiga xogaha la xiriira amniga, loona xoojiyo ka hortagga khataraha amni ee ka dhici kara deegaanka.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijkani uu muhiim u yahay dhisidda kalsoonida bulshada ay ku qabto hay’adaha amniga, iyadoo Booliska iyo bulshada ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sugidda nabadgelyada iyo xasilloonida deegaanka.
Tababarka iyo wadatashigan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Booliska iyo bulshada iyo ka qaybgalka shacabka ee sugidda amniga deegaanka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







