Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Jubbaland oo Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ku wareejisay matooro loogu talagalay in lagu saaro biyaha ku fariista xaafadaha magaalada.

0
1
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Jubbaland, oo kaashaneysa Hay’adda SoDMA, ayaa Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ku wareejisay matooro loogu talagalay in lagu saaro biyaha ku fariista xaafadaha magaalada.
Matoorradan ayaa loo adeegsan doonaa yareynta saameynta roobabka iyo fatahaadaha, iyadoo laga walaacsan yahay xaaladaha ka dhalan kara El Niño.
Matoorrada waxaa si rasmi ah uga guddoomay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Kismaayo, Najiib Barre Salaad, oo sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo dadaallada lagula tacaalayo biyaha roobka, si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara fatahaadaha iyo biyaha fariista.
Wasaaradda ayaa sheegtay in agabkan uu qeyb ka yahay dadaallada loogu diyaar garoobayo saameynta roobabka iyo xaaladaha degdegga ah ee ka dhalan kara.