Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo Kormeer ku Xoojinaysa Qaar ka Mid ah Xarumaha Caafimaadka Magaalada Kismaayo

0
3
Iskuduwaha wasaarada Caafimaadka ee Degmada Kismaayo, Mudane Maxamed Sheekh Aadan, iyo wafdi sare oo ka socday hay’adda Save the Children ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Caafimaadka Waamo iyo Isbitaalka Midnimo.
Masuuliyiinta ayaa u kuurgalay habsami-u-socodka shaqada, adeegyada caafimaad ee laga bixiyo isbitaalka iyo Xarunta, sida loogu adeegayo bulshada.
Masuuliyiinta ayaa marka hore booqday Xarunta Caafimaadka Waamo, halkaas oo ay ku soo arkeen adeegyada caafimaad ee bulshada loogu fidiyo.
Intaa kadib, wafdigu wuxuu u gudbay Isbitaalka Midnimo, iyagoo halkaasna kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee isbitaalka iyo howlaha ka socda.
Intii uu kormeerku socday, masuuliyiintu waxay madaxda xarunta caafimaadka waamo iyo isbitaalka midnimo ka dhageysteen warbixinno ku saabsan habsami-u-socodka shaqada, adeegyada ay bulshada siiyaan, baahiyaha jira.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo kormeerka iyo tayeynta adeegyada caafimaad ee bulshada degmada Kismaayo